Muqdisho (Raxanreeb ) – Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka KMG.
Qodobada ugu horreeya ee laga doodayo ayaa kala ah; cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4aad, waxaana qodobada isbeddelka lagu samaynayo soo diyaariyey guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka.
Xildhibaannada labada aqalka ee BJFS oo ka dooday mabaadi’da guud ee cutubyadda dastuurka ayaa soo jeediyeen in la ilaaliyo waqtiga rasmiga ah ee loogu talagalay jadwalka dooda.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in maanta kulanka uu yahay mabaadi’da guud Xildhibaannada ay talooyinkooda muhiim tahay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dooda dastuurka ay bilaabaneyso kulanka xiga.
‘’Waxaan walaaac ka qabnaa dhammaystirka Dastuurka oo aan loo dhammayn. Dhamaystirka dastuurka wuxuu ka mid yahay hawlaha muhiimka ah, laakiin aan degdegga ahayn, sababtoo ah waa heshiis bulsho oo la doonayo in uu dalka iyo dadka isku hayo ‘’ – sidaas waxaa sheegay xubnaha mucaaradka ee Muqdisho ku sugan.
Villa Soomaaliya ayaa la fahamsan yahay in ay riixayso wax ka bedelka Dastuurka KMG ah waxaana maalin ka hor MW Xasan Sheekh la kulmay haweenka Barlamaanka oo uu kala hadlay arrimaha dastuurka.
Dooddan ayaa kusoo aadeyso xilli xasaasi ah, isla markaana mucaaradka iyo Puntland ay weli kasoo horjeedaan wax ka beddelka dastuurka oo ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.
Leave a Reply