Villa Somalia ‘’ Ruushku waa saxiib wanaagsan oo gacan ka gaysanaya dagaalka AS‘’

Villa Somalia ‘’ Ruushku waa saxiib wanaagsan oo gacan ka gaysanaya dagaalka AS‘’

Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha Ruushka ee dalkeenna Mudane Mikhail Golovanov ayaa kala hadlay dagaalka ka dhanka ah AS ee ka socda Soomaaliya.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada, isagoo tilmaamay sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka AS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in AS Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale Safiirka ayaa sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.