Waa kuma shaqsiyaadka Mareykanka uu dul dhigay abaalmarinta ee  ka tirsan Kooxda Al- Shabaab ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Mareynka ayaa abaalmarin lacageed dul-dhigatay seddax hoggaamiye oo – ka tirsan kooxda Al- Shabaab  ee dagaalka kala soo horjeeda Dowladda  Federaalka Soomaaliya.

Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Hadaba Warteelka Arlaadi ayaa warbixintan  waxa uu eegayaa shaqsiyaadka ay yihiin seddaxda hoggaamiye ee  madaxdooda  lacagta la duldhigay.

Axmed Diiriye Cumar, loo yaqaano Abuu Cubaydah waa hoggaamiyaha Ururka Al-Shabaab. Waxaa la sheegaa inuu ku dhashay baadiyaha qalaafe ee dowlad deegaanka Soomaalida sanadkii qiyaastii mudo ku began 1968 ama 1969 waxa uu bedelay booskii Axmed Cabdi Godane ma ahayn ragii aas aasay ururka balse waxa uu ku biiray sanadkii 2004tii sida la wariyay.

Abuu Cubeyda waxa uu Al-Shabaab ka soo qabtay xilal dhowr ah oo ay ka mid yihiin kaaliye Godane, guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya 2008-dii, iyo guddoomiyihii Al-Shabaab ee gobollada Baay iyo Bakool inta lagu jiray sanadkii 2009-kii. Ugu dambaytii sannadkii 2013-kii, waxa uu la taliye sare u ahaa Godane.

Cabdiraxmaan Maxamed Warsame,  waxa loo garan- ogyahay  “Mahad Karate” Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waxa uu ku dhashay sida la rumaysan yahay degmada  Xarardheere ee gobolka Mudug. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka

Sida ay sheegeen dad yaqaana  Mahad Karate Shabaab kahor, waxa uu ka tirsanaa jiray ururkii hubeysnaa ee Itixaad, oo loo arko halka uu ka soo bilowday saanqaadka xagjirnimo ee badi hoggaamiyeyaasha al-Shabaab.

Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

Jehad Serwan Mostafa waa  muwaadin Mareykan  oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab islamarkaana xilal kala duwan kooxda ka qabtay. Kooxdaas

Waxaa la sheegaa inuu isku hayo  seddax jago , sida ku xigeenka madaxa qaybta sancada iyo farsamada qaraxyada , xubin ka tirsan hoggaanka Warbaahinta iyo xubin ka mid ah Golaha shuurada                                                                                             

Waxaa  uu Soomaaliya yimid xiligii Maxkamadaha Islaamka markii la dilay  Salah Nabhaan ayuu galay booskiisa  sanadkii 2009-kii si uu hoggaamiyaha kooxaha ajaaniibta ah ee ka barbar dagaalama kooxda Al- Shabaab.

Raxanreeb/BBC Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.