Gaalkacyo ( Raxanreeb )- Deegaano ka mid ah gobolka Mudug waxaa wali ka taagan xiisad u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo wada degaano gobolka Mudug halkaas
Shalay deegaanada u dhexeeya Goldogob iyo Saax-qurun , waxaa ka dhacay dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac oo ay barbar socdeen barakac laba dhinac ah.
Sida Raxanreeb saaka oo Jimca ah ay ogaatay , waxaa socda dadaalo xoogan oo lagu doonayo in lagu kala dhaxgalo labada beelood si looga baaqsado dagaal kale inuu dhaca.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay kulamo labada maamul ay uga hadlayeen sidii loo soo afjari lahaa colaaddaan oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Maamulada Puntland & Galmudug ayaa baaq Nabadeed ka soo saaray xaalada sii cakirmaysa ee gobolka Mudug halkaas oo markasta dagaalo ay ka dhici karaan maadama wax xal ah laga gaarin colaada.
Leave a Reply