Guddoonka Aqalka sare oo kulan la qaatay safiirka dalka Jaubuuti

Guddoonka Aqalka sare oo kulan la qaatay safiirka dalka Jaubuuti

Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu la socdo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo soo dhaweyn ah ayaa Guddoomiyaha iyo Safiirku waxa ay kaga wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iyo sii adkaynta xiriirka, kaas oo ku salaysan iskaashi iyo wax-wada-qabsi u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Leave a Reply

Your email address will not be published.