Shabeellaha Dhexe (Raxanreeb Online): Ciidanka Booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa weli wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ka socda deegaannada Baldooska iyo Alifow, ee ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle.
Ciidanka Haramcad ayaa sheegay in dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaannadaasi lagu dilay Madaxii Jabhadda Cabdinaasir Farey iyo qaar kamid ah ilaaladiisa, iyadoo ciidamada ay sheegeen inay soo bandhigeen meydadka qaar kamid ah kooxda.
Dagaalka ayaa galay maalintii lixaad, waxaana Haramcad ay sheegtay inay gaartay guulo ballaaran oo lagu wiiqayo joogitaanka iyo dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ee deegaannada ku teedsan jiinka Wabiga Shabeelle.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah howlgallo ciidan oo lagu doonayo in kooxda Al-Shabaab looga saaro goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan iyo fariisimaha ay ku leeyihiin hareeraha wabiga, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sii wadaan dhaq-dhaqaaqyada milatari.
Faahfaahinta khasaaraha dhinacyada iyo xaaladda dhabta ah ee goobaha dagaalku ka socdo weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Leave a Reply