Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Garacad

Garacad ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ee Puntland, ayaa ku waramaya in saakay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Booliiska gobolka Mudug iyo maleeshiyo beeleed hubaysan uu ka dhacay deegaankaasi.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamo uu hoggaaminayo taliye ku xigeenka qaybta Booliiska gobolka ay xalay gaareen halkaasi.

Ujeeddada ciidamada ayaa ahayd in maxaabiis loo haysto falal burcad-badeednimo loo soo wareejiyo magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee maleeshiyo hubaysan oo arrintaasi ka soo horjeeday ayaa weerar ku qaaday ciidanka.

Iska horimaadkaasi ayaa sababay dhimashada hal askari, halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Wararakii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda deegaanka Garacad ay haatan degan tahay.

Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.