Tehran (Raxanreeb Online) Weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaaday caasimadda Tehran ayaa latabiyey in lagu bilaabay gantaallo nooca Tomahawk cruise missiles ah, kaas oo laga soo riday maraakiib dagaal oo Maraykan ah kuna sugnaa Gacanka Cumaan (Gulf of Oman), sida ay sheegayaan Ilo wareedyo milateri.
Dalka Oman ayay u noqonaysaa markii 2-aad dalkii isagoo dhexdhexaadinaya labada dhinac dagaal qarxo, iyadoo waliba balantu ka fuli weyday dhinacyada Israiil iyo Mareykanka.
Geesta kale madaxweyne Trump ayaa weerarkan ayaa ku tilmaamay bilowga howlgal militari oo ballaaran,oo lagu bedelayo hanaan is xukunka ee Iran, kaas oo si toos ah u beegsanaya xarumaha istiraatiijiga ah ee Iran, dadkana loogu yeeray in guryahooda ku jiraan oo meel kasta la qarxin doono sida Trump sheegay.
8 Daqiiqo oo uu Trump hadlay, wuxuu si cad oo leex-leexad laheyn ugu xambaariyey Iran in ay wax ka ogaayeen weerar kasta oo ay kooxaha Argagixiso ka fuliyeen dunida dacaladeeda, wuxu sheegay in weerarkii lagu beegsaday Maraakiib Mareykan oo uu kamid yahay mid lagu weeraray Badda Cas ilaa Barriga Afrika howlgalo ka dhan ahaa oo looga horyimi danaha Mareykanka in ay Iran ka dambeysay, waa eedo weyn oo muujinaysa baaxada howlgalkan.
40 sano oo uu sheegay in ay Iran halis ku ahayd danaha Mareykanka ee gobalka Barriga dhexe, cadowna ku ahayd saaxiibada US ee Mandiqada Khaliijka ayuu sheegay in howlgalkan loo qaaday sidii meesha looga saari lahaa.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ujeeddada hawlgallada militari ee Maraykanka ay tahay in la ilaaliyo shacabka Maraykanka, saaxiibadiisa gobalig aah, iyadoo la baabi’inayo khataraha ka imanaya nidaamka Iiraan.
Wixii ku soo kordh warkan halkan kala soco

Leave a Reply