Wararkii ugu danbeeyay daadad xooggan oo ku dhuftay Qardho

Wararkii ugu danbeeyay daadad xooggan oo ku dhuftay Qardho

Qardho (Raxanreeb) — Daadad xooggan ayaa xalay fiidkii ku soo rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, ka dib markii uu biyo keenay togga mara magaalada.

Sida wararka laga helayo ay sheegayaan illaa saddex tog oo magaalada ku soo dhaca ayaa biyo meelo fog ka yimid ku soo rogay, waxaana la soo wariyay inuu jiro khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo ka dhashay daadadkaasi.

Suxufiyiinta ku sugan magaalada Qardho ayaa soo sheegaya in illaa laba qof oo da’ ah ay ku geeriyoodeen daadadkan,waxaana burbur xooggan gaaray guryo badan oo ay shacab daganaayeen, iyadoo dadku xalay bannaanada waaga ugu baryay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.