Trump oo su’aalo laga weydinayo weerarkii xarunta Baarlamaanka ka dhacay

Washington (Raxanreeb) — Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump ayaa wax laga weydiinayaa weerarkii taageerayaashiisa ay ku galeen Aqalka Baarlamaanka Dalkaas (Capitol Hill) 6dii Janaayo 2021 sida uu sheegay Guddiga loo xilsaaray dhacdadaas oo durba dalbaday la kulankiisa.

Guddigu waxa uu sheegay in Donald Trump uu doorasho u leeyahay in uu toos ugu tago & in su’aalo lagu weydiiyo muuqaalka fogaan-aragga laga billaabo 14ka November 2022 si uu u helo caddeymo la xiriira kiiska lagu eedeeyay balse uu baraha Bulshada isaga fogeeyay.

Xaanshi Trump loo diray ayaa looga codsaday in uu caddeeyo xiriirka kala dhaxeeya Xildhibaanno katirsan Aqalka Baarlamaanka ee la weeraray, halka sidaas oo kale wax laga weydiiyay cilaaqaadka kala dhaxeeya kooxda lagu eedeeyay weerarkaas.

“Waxa aan aqoonsannahay in go’aanka yeeritaanka ee loo diray madaxweynihii hore Dalka ay tahay tallaabo muhiim ah oo taariikhi ah, tallaabadaan uma aanay qaadan si fudud” Guddoomiyaha guddida Bennie Thompson & guddoomiye ku xigeenka Liz Cheney ayaa sidaas ku qoray Xaanshida loo diray Trump.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay ficil ah “Afgambi” kaddib markii qaar kamid ah Taageerayaashiisa ay gidaarka ka boodeen si ay u galaan Aqalka Capitol Hill ee Baarlamaanka uu leeyahay.

Kiiskaan ayaa boog aan bogsan ku noqday Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo xitaa gaaray heer uusan xilka ku wareejin hab maamuus madaxweyne xafiiska banneynaya, halka dhowaan la galay gurigiisa oo laga soo qaaday warqado sir qaran ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.