Wararkii ugu danbeeyay ee Laascaanood dagaal saakay aroortii ka dhacay

Laascaanood (Raxanreeb) — Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in markale saaka aroortii hore uu dagaal culus dib uga qarxay gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada SSC-Khaatuma.

Xaaladda ayaa hatan ah mid aad u kacsan, waxaana la soo wariyay in dagaalka socdo uu ka xoogan kii shalay, isla-markaana uu ku fiday xaafado hor leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, maadaama uu dagaalku is qabsaday dhowr jiho ah oo magaalada ah.

“Magaalada Laascaanood saaka xaaladeeda dagaal ayaa ka socdo shantii subaxnimo waxaa meelo badan kasoo weeraray SNM,” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudah Somaliland ayaa war cusub ka soo saartay dagaalka saaka dib u qarxay ee magaalada Laascaanood, waxayna shaaca ka qaaday in weerarka lagu soo qaaday ciidamadooda ayna ka difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay maamulka Somaliland.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in ciidamada weerarka soo qaaday ay taageerayaan kuwa maamulka Puntland, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeedka ay soo saartay.

“Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo,” ayey markale tiri Wasaaradda Arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa sababay dhimashada illaa afartameeyo qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay intaasi, waxaana ku jira dad shacab ah oo aan waxba galabsan.