Maxay tahay iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraadka ka dhaxeeya

Maxay tahay iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraadka ka dhaxeeya

Muqdisho (Raxanreeb) — Golaha Wasiirada Xukuumadda JFS oo uu shir Guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay heshiis Iskaashi Militari, Amni & la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Goluhu waxa uu si toos ah ugu codeeyay heshiiskaan ay wada galeen Dowladaha Soomaaliya & Isutagga Imaaraatka Carabta, waxaana lala ansixiyay Xeerka Gaadiidka Badda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Hindise-sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Buluugga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Xamsa Cabdi Barre ayaa dhinacyada soo gudbiyay hindise-sharciyeedyada ka gudbay Golaha Wasiirada ugu baaqay in ay degdeg u dhaqangeliyaan maadaama muhiim ay u yihiin dalka waa sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Soomaaliya horay ugu tababartay Ciidamo gaar ah, waxa ay bixisay hubkooda, gaadiidka ay wataan, agabka ay u baahan yihiin iyo waxyaabaha kale ay u baahnaayeen.

15kii May 2022 oo dib loo doortay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in uu xoogga saarayo hal ku dhiggii uu kusoo galay Doorashada oo ahaa “Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galay safarro kala duwan uu ku tegay waddamo dhowr ah si uu dib ugu soo nooleeyo cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya oo ay jartay ama ay ka gaabisay Dowladdii ka horreysay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.