Wararkii ugu danbeeyay ee Laascaanood

Laascaanood (Raxanreeb) — Wararka ka imaanaya magaalada Laas Caanood waxay sheegayaan in saaka ay madaafiic badan ku dhaceen magaalada, kuwaasoo geystay khasaare kala duwan.

Xog ay Raxanreeb heshay ayaa sheegtay in ilaa hadda la xaqiijiyay dhaawaca labo qof balse ay jiraan dad ku dhintay madaafiicda saaka oo la sheegay in ay ahaayeen kuwo aan kala joogsi lahayn.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu dagaal kooban maanta ka dhacay labo meelood oo ka tirsan magaalada Laas Caanood.

In ka badan labo isbuuc ayuu socdaa dagaalka Laas Caanood oo u dhaxeeya ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo xoogag is abaabulay oo ka tirsan dadka deegaanka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumannaan qof ay ku barakaceen dagaalkan, kuwaasoo qaarkood u qaxay gudaha halka in ka badan 80,000 oo ruux ay ka tallaabeen xadka Itoobiya.

Dagaalka Laascaanood oo socday labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro kale, sida ay dhakhaatiir maxalli ah u sheegeen Raxanreeb.