WARBIXIN : Xasan Sheekh xiriirka Dowladaha deriska fursadaha & caqabadaha

Washington (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay Machad ku yaala Dalka Mareynkanka ayaa ka hadlay xiriirka Dowladhiisa ay la leedahay dalalka deriska iyo sida ay tahay in Dowladdu ay u adkayso.

Madaxwaynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka ahmiyad gaar ah ay siisay dallaka deriska wada noolasha , ganacsiga iyo ilaalinta dano aan iska hor imaan .

” Dariskeenna Kenya, Ethiopia iyo Djibouti ma jirto dookh kale oo aan yeelan karno oo aan ka ahayn inaan xiriir wanaagsan la yeelanno, taasi waa waxa aan ka shaqeyneyno waana arrin mabda’iyan naga ah. Marka arrintaas laga soo tago, Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya waxaa asal u ah inaysan wax cadow ah dibadda ku yeelan, ma dooneyno inaan cadow ku yeelanno meel ka baxsan Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxwaynaa waa uu sii hadlay oo waxa uu sheegay in aysan jirin cadow dibada ah oo Dowladiisa ay ogtahay isagoo sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay haddana ay samaystaan.

”Dariskeenna, Kenya Ethiopia Djibouti waxay gacan ka geysanayaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, xoreynta dalkeenna, wiilashooda ayaa halkaas ku dhimanaya, waxa ugu qaalisan oo qof haddiyad ahaan kuu siin karana waa nolosha, waddamadaasi waxay bixinayaan nolosha wiilashooda si ay u arkaan Soomaaliya oo ammaan ah taas oo dani ugu jirto Soomaaliya iyo iyagaba, maxaayeelay ururrada argagixisada ah meel kasta ayey u dhaqaaqi karaan ” ayuu xusay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aaya soo hadal qaaday in ka hor muddo xileedkan la doortay ka horna madaxwayne ka ahaa Soomaaliya xiriir wanaagsan la lahaa Dowladaha deriska ah.

”Muddo xileedkeygii ugu dambeeyey xiriir wanaagsan ayaan la lahaa Dowladaha Kenya, Ethiopia iyo sidoo kale Djibouti, hadda oo aan imidna wali isla xiriirkaas ayaan la leeyahay, waxaana sii xoojinayaa xiriirkeenna dhaqaale, Soomaaliya waxay dooneysaa inay ku biirto East Africa Community sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaan Ethiopia la leenahay xiriir ganacsi oo aad u wanaagsan, sidoo kalena Djibouti waa dal aan walaalo nahay, Djibouti waa dal yar laakiin. Wey na caawinayaan in ka badan inta ay awooddo, marka xiriir wanaagsan ayaan la leenahay dhammaan dariskeenna waxaana dooneynaa inaan sii wadno darisnimo wanaaggaas ” ayuu markale yiri Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli uu aad u xumaa waaydan dambe xiriirka kala dhaxeeya Dowladiisa Dowlada Itoobiya isla markaana shantii sano ee la soo dhaafay uu xumaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.