WARCUSUB : Ciidanka Uganda oo rayidka ku laayay Sh.Hoose & tirada ay dileen.

WARCUSUB : Ciidanka Uganda oo rayidka ku laayay Sh.Hoose & tirada ay dileen.

BUULABURDE (Raxanreeb ) Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gelinkii dambe ee shalay dad isku qoys ahaa ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Tani ayaa ka dambeysay, kadib markii Ciidanka Uganda ee saldhigga ku leh deegaanka Ambareeso ee duleedka Degmada Baraawe ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe, oo Degmada Baraawe kaga beegan dhanka Degmada Sablaale.

Mid ka mida madaafiicdaasi ayaa ku habsaday guri ay dadka rayid ah deganaayeen, iyadoona ay goobtaasi ku geeriyoodeen lix carruur ah oo wada dhalatay, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wax badan lagama oga sababta ka dambeysa in Ciidanka Uganda ay madaafiic ku harqiyaan deegaankaasi, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in lagu arkay xubno ka tirsan mintidiinta Al-Shabaab.

Jimcihii ayay ahayd markii maleeshiyada Shabaabka ay weerar xoogan ku galeen xeradii ay Ciidanka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolkaasi.

Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer.

Ma shaacin khasaaraha rasmiga ee ciidamadiisa kasoo gaaray weerarkan oo qaraxyo ku billowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Madaxweynaha Uganda ayaa soo hadal qaaday, sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab.

Ciidanka ATMIS oo Dowladda Federaalka ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Shabaabka ayaa xilliyada ku kaca gabood-falo ka dhan ah dadka rayidka, tiiyoo aanay jirin cid kula xisaabtanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.