WARCUSUB : Dagaal ka dhacay Degmada  Xarardheere & Khasaaraha jira

WARCUSUB : Dagaal ka dhacay Degmada  Xarardheere & Khasaaraha jira

Xarardheere (Raxanreeb ) Warar – kala duwan ayaa ka soo baxaya , weerar dhaba- gal ah oo ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Sida wararku sheegayaan, weerarkan oo ka dhacay deegaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga Degmada Xarardheere waxaa lagu dilay 60 ka tirsan Shabaab.

Maamulka degmada Xarardheere ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen laba gaari iyo hub fara badan sida uu sheegeen xubno ka mid ah maamulka oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay heleen xogta gaari ay wateen xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Dhinaca wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray dhankiisa ku sheegay in Al Shabaab loo dhigay kaniim looga gubay gaadiid sidoo kale looga dilay ilaa toban dagaalyahan .

Ilo madax banaan oo ku sugan degmada Xarardheere ayaa  ku waramay in ay jiraan khasaare kala gaaray ciidanka Dowladda iyo kuwa Al- Shabaab oo dhaxmaray weerar  kooban.

Si kastaba, howlgalkan ayaa imanaya xili haatan dowladda ay wado bilaabida wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab, gulufkan cusub oo lagu ekeen doono deeganada Jubaland iyo Koofur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.