Baardheere (Raxanreeb ) –Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland, ayaa saaka ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo dhashay khasaara dhimasho & dhaawac uu ka dhashay.
Goobjoogayaasha ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen xubno muhiim ah , saraakiil iyo askar labada dhinac ah , maadama la maqlayo rasaasta si rasmi ah looma helin magacyada dadka dhintay .
Goobaha caafimaad ee degmada Baardheere waxaa la gaarsiiyay tiro badan oo dhaawac ah kuwaas oo isugu jira askar iyo saraakiil hoggaamineysa dagaalka si ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin.
Meelaha ilaa iyo hadda la sheegayo in dagaalka uu xooggiisa uu ka dhacay ayaa Saldhigga & Xarunta Degmada halkaas oo maamulkeeda la isku hayo waana ubucda goobta gacan ka hadalka uu ka bilowday.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaartay dagaalka ka qarxay halkaasi.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhinacyo ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Leave a Reply