Muqdisho (Raxanreeb ) Faafaahin ayaa ka soo baxaysa qarax maanta ka dhacay meel kaabiga ku haysa xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa la maqlay ayaa ka dhacay Xarunta aaga dowladda hoose ee halkaas oo la sheegay in ay ka socotay howlmaalmeedka gobolka.
Saraakiisha ammaanka qaarkood ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxaasi uu ka dhacay Darbiga Xarunta Gobolka Banaadir.
Waxaan si rasmi ah aan loo ogaaan karin halka uu yahay bartilmaameedka, hase ahaatee wixii faafaahin ah waa idinla soo wadaagi doonaa Insha Allah.
Leave a Reply