WARSAXAFADEED Ciidanka xoogga dalka ka soo saaray howlgalada ka socda Dalka

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed guud ahaan dalka wuxuu ka wadaa howlgalo lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab howlgaladaasi ayaa jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab waxayna keentay in maleeshiyaadka uu ku sii kordho cabsida ay ka qabaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu yri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka.
Sidoo kale warsaxafadeedka ayaa lagu yiri.

”Walwalka iyo cabdsida kooxda Al-shabaab ayaa waxeey kordhiyeen adeegsiga wararka been abuurka ah ee ay ka faafinayaan Ciidanka xooogga dalka iyagoo adeegsanaya siyaabo kala duwan ujeedka kooxda Aragagixisada ayaa ah marin haabinta Shacabka Soomaaliyeed ee ay baneeysteen dhiigooda iyo hantidooda ”

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ayaa maanta faafiyay meel 20 Km ujirta degmada Buulo burde ee gobolka Hiiran inay ku dileen 10 Askari oo katirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu xusay qoraalkan
Sidaas darteed Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu cadeeynayaa in aysan waxba kajirin sheegada kooxda nabadiidka.

ugu dambeeyn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu u diyaarsanyahay in Shacabkiisa qiimaha badan uu ka dul qaado culeeyska Argagixisada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.