Odayaal reer Cadaado ah oo ku biiray Al- Shabaab dibna ugu soo baxay oo la xiray.

Cadaado ( Raxanreeb ) Odoyaashii beesha reer Xaaji Saleebaan ee maalmo ka hor heshiiska la galay Alshabaab ayaa goordhaweyd isku dhiibay ciidamada Galmudug.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Odoyaasha ay ka cabsadeen in weerar lagu qaado madaama ay wataan ciidamo yar, xalkana ay u arkeen in ay is dhiibaan.

Waxaa lagu soo warmayaa in ay tageen saldhigga Booliska Cadaado.

Waxyar uun ka dib tagi taankooda waxaa la xaqiijiyay in ciidamada NISA ay xireen odayaashii ka yimid  dhanka Al- Shabaab , gaar ahaan degmada Xarardheere

Magacyada Odayaasha la xiray ee Shabakadda RBC heshay ayaa kala ah :

1. Cali yare axmed Xayle
2. Sugaal Warsame Cali
3. Cumar Faniinte.

laamaha amniga ma aysan ka hadlin ilaa iyo hadda odayaashan degmada Cadaado ka soo jeeda ee hore ugu biiray kooxda Al- Shabaab markii dib ay ugu soo baxeena la xiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.