Washington ‘’Weerarkii Urdan  jawaab kulul baa ka bixinaynaa ‘’.

Washington ‘’Weerarkii Urdan  jawaab kulul baa ka bixinaynaa ‘’.

Washington (Raxanreeb )  Dowladda Mareykanka ayaa hadda isku diyaarinaysa sidii ay u qaadi lahayd weerar aargudasho ah ka dib markii askarteeda lagu laayay bariga dhexe.

War ka soo baxay Washington ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin sii socoshada weeararada lagu beegsanayo askarteeda kuwaas oo ay ka danbeeyaan kooxaha gacansaarka la leh dalka Iran.

Kooxahan ayaa weerarkii ugu dambeeyey ka geystay saldhig ay leeyihiin ciidamada Maraykanka oo ku yaalla dalka Urdun, waxaana weerarkaas ku dhintay saddex askari

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin, ayaa Khamiistii sheegay in aanu Maraykanku u dulqaadan doonin, tallaabooyinka noocaas ah.

Waxa  uu intaas warkiisa ku daray in jawaab deg deg ah uu bixin doono Mareykanka isla markaan aysan noqon doonin wax laga aamuso dhibaatooyinka ay gaystaan kooxaha xiriirka la leh Iiraan.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa u muuqday inuu meesha ka saarayo hadal ka soo yeedhay, kooxda Kataib Hezbollah, oo ah urur gacan-saar la leh dalka Iran oo ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq.

Maalmo ka hor seddax askari oo ka mid ah ciidanka Mareykanka ayaa lagu dilay Urdan kuwaas oo  Mareykanku uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu aari doono.

Waxaa la dhawrayaa talaabada uu qaadi doonto Washington ee la xiriira weeraradan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.