Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka wabixiyay howlgalladii u dambeeyay ee Ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan dalka.
Wasiirka oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bishan gudaheeda deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay Cabdullaahi Wadaad, oo ahaa sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta dhaqaalaha ay ka qaadaan gobolka Banaadir.
Wasiir Fiqi ayaa xusay in lagu guuleystay khaarajinta xubno badan oo ka tirsanaa kooxdaas intii u dhaxeysay dhammaadka sannadkii 2025 ilaa billowga sannadkan 2026.
Geesta kale, wasiirka ayaa ka hadlay joogitaanka ciidanka Dowladda Federaalka ee deegaannada Puntland, isagoo caddeeyay inay qeyb ka yihiin sugidda amniga qaranka, isla markaana aysan jirin ciidan carqaladeynaya nabadgelyada deegaannadaas balse ay yihiin askar u taagan difaaca dalka.
Ugu dambeyntii, Wasii Fiqi oo la weydiiyay su’aal ku saabsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM, gaar ahaan wararka ku saabsan bixitaankooda, ayaa ku jawaabay inay hadda sii wadayaan howlgalka, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo naf-hurnimada ay u galeen xasilinta Soomaaliya.

Leave a Reply