Jabuuti (Raxanreeb ) Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa ku geeriyooday AUN Wasiirkii Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiir Khadiijo ayaa dalka Jabuuti kaga qayb gali lahayd shirka Hirtage oo lagu casuumay hase ahaatee halkaas ayay ku xanuunsatay.
Waxa ay ka timid maalmo ka hor magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo ay kaga qayb gashay shir looga hadlayay arrimaha waxbarashada.
Waxa waxa loo sii waday Khadiijo ka hor inta aysan geeriyoon dalka Turky halkaas oo u jeedku ahaa in lagu daweeyo xaaladeeda oo ka daraysay darteeda.
Wasiir Khadiijo ayaa xilal kala duwan waxay ka soo qabatay dowladihii soo maray dalka iyadoo qayb ka ahayd udub dhiga Barlamaan Soomaaliyeed.
Leave a Reply