Wasiirka Amniga ee SSC-Khaatumo, oo ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu mas’uul ka noqon doono wixii dhib ah ee ka dhasha weerarka ay kusoo qaadeen shacabka ku sugan magaaladaas. Wasiirka ayaa yiri: “Dhiiga dadka yaga way ka shalaayi doonaan Somaliland.” Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarka lagu soo qaaday shacabka SSC-Khaatumo ee ku sugnaa guryahooda iyo goobahooda ganacsi uu yahay tallaabo xadgudub ah oo ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee dadka deegaankaas. Wuxuu intaas ku daray: “Weerarka ay maamulka gooni-goosatada ahi kusoo qaadeen shacabka SSC-Khaatumo ee degan Ceerigaabo, kuna sugnaa guryahooda iyo goobahooda ganacsi, wixii ka dhaca kana dhasha weerarkaas mas’uuliyaddeeda waxaa qaadi doona maamulka isku sheegga gooni-goosatada ah.” Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay tallaabo degdeg ah ka qaadaan xadgudubyada iyo gardarrada lagu hayo shacabka reer SSC-Khaatumo.
Leave a Reply