Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti oo soo gaba-gabeeyey socdaalkii uu ku joogay Muqdisho

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti oo soo gaba-gabeeyey socdaalkii uu ku joogay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Danjire Cabdoulkader Houssein Omar, oo booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah ku joogay caasimadda Muqdisho.

Intii uu socday booqashada rasmiga ah, labada wasiir ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada dibloomaasiyadda, tababarrada, iyo iskaashiga siyaasadeed. Sidoo kale, waxay isla garteen in la joogteeyo kulammada iyo wadashaqeynta labada wasaaradood si loo dardargeliyo danaha guud ee labada dal ee walaalaha ah.

Booqashada wasiirka Jabuuti ayaa muujinaysa adkeysiga xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo lagu xoojinayo iskaashi waara oo ku dhisan derisnimo, walaaltinimo iyo dan guud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.