Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Safiiradda UK

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan la yeeshay Safiiradda UK

Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha ayaa kulan la qaatay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo koox ka socotay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) ee Safaaradda Ingiriiska.

Danjire Kate Foster Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliyaa ayaa Wasiirka iyo Mas’uuliyiintii kale ee la socotey si diiran u soo dhaweeyay kagana warbixiyey xiriirka iyo wadashaqeybta ballaaran ee Wasaaradda iyo Safaaradda ka dhaxeysa.

Labada dhinac ayaa ka wada hadley sidii loo cusboonaysiin lahaa ballan-qaadkoodii ku aaddanaa Iskaashiga Horumarinta qeybta Caafimaadka, waxayna isla garteen kawadashaqeynta hannaanka ay Dowladda u hoggaaminayso ee ah hirgelinta Barnaamijka “BETTER LIVES” oo ay maalgeliso FCDO iyo in la hubiyo Maalgelinta UK ee la jaan-qaado mudnaanta Dawladda si Bulshada loo gaarsiiyo xirmo isku dhafan oo muhiim u ah adeegyada Caafimaadka (EPHS), iyo xoojinta nidaamyada maamulka Caafimaadka ee mudnaanta leh si ay iskukaabaan Mashaariicda horumarineed ee kale oo ay maalgeliyaan hey’addaha kale ee horumarinta kala shaqeeya Wasaaradda sida Bank-ga Aduunka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa uga mahadceliyay sida joogtada ah ee ay Dowladda UK uga go’an tahay taageerada ay ku bixinayaan iyo dadaalka ku aaddan wax ka qabashada masiibada COVID-19 iyo abaaraha socda ee saameeyay in ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ilaa hadda.

Dawladda Boqortooyada ingiriiska waxay gacan ka gaysatay qaabaynta iyo horumarinta Xirmada Aasaaska ah ee Adeegyada Caafimaadka (EPHS) oo ah qaab-dhismeedkeena Qaran ee habaynta, maaraynta iyo bixinta adeegga Daryeelka Caafimaadka aasaasiga ah ee Dalka.

Wasaaradda waxaa ka go’an xal u hellidda baahiyaha dhanka Caafimaadka ah ee ka jira dalkeena iyadoo la xoojinayo xiriirka Wasaaradda ay la lee dahay dayneeyayaasha Horunarinta Caafimaadka si loo hello Bulsho bad qabta.

Maryan Maxamed oo ah marwada mas’uulka geeriyooday ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa guddoomiyaha loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ka soo baxay xaafadda, gaar ahaan gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.