Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo markale difaacay eedeemo loo jeediyay garsoore Cumar Cartan

Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo markale difaacay eedeemo loo jeediyay garsoore Cumar Cartan

Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabduqaadir, ayaa mar kale difaacay garsoore Soomaaliyeed oo haysta aqoonsiga FIFA, isagoo caddeeyay in garsoorahaasi uusan wax khatar amni ah ku ahayn dalka ama bulshada.

Wasiirka ayaa sheegay in eedaha iyo wararka laga faafinayo garsooraha aan lagu saleyn caddeymo rasmi ah, isagoo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga isla markaana aan la dhaawicin sumcadda shaqsiyaadka ka shaqeeya horumarinta ciyaaraha.

Sidoo kale Maxamed Cabdulqaadir ayaa si cad u diiday sheegashada ah in Cumar Cabdulqaadir Aadan uu yahay khatar amni, isagoo ku tilmaamay garsoore caalami ah oo sumcad ku yeeshay dunida, kuna kasbaday ixtiraamka bulshada kubadda cagta xirfaddiisa iyo aqoontiisa.

Waan ka jawaabnay. Wasaaradda Arrimaha Dibadduna sidoo kale way ka jawaabtay. Waxaa jiray war-saxaafadeedyo iyo dukumiintiyo rasmi ah. Dukumiintiyadii rasmiga ahaa ee na soo gaarayna waan uga jawaabnay,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdulqaadir.

Arrintan ayaa dhalisay falcelin kala duwan oo ka dhex muuqata bulshada iyo bahda ciyaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.