GALMUDUG : Dowladda oo kooxda Al- Shabaab kala wareegtay  deegaano hor leh

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Isniin ah ay la wareegeen deegaano ka tirsan  maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa  u sheegay warbaahinta ayaa sheegay in howlgal gaar ah ciidanka ay  fuliyeen ay kula wareegeen tuulooyin hoos taga deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Deegaanada  ciidanka ay la wareegeen ayaa in muddo ah waxaa gacanta ugu jiray kooxda Al- Shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan  Dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in xooga ay saari doonaan sidii ay u sugi lahayeen amniga deegaanada ay kala wareegeen deegaano badan oo dalka ah

Deegaanada  ciidanka ay la wareegeen ayaa lagu soo waramayaa in hadda ay ka socdaan howlgal lagu doonayo in ay ku sugaan amniga

Leave a Reply

Your email address will not be published.