Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ballan qaaday in la ciribtiraayo Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ballan qaaday in la ciribtiraayo Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka Gaashaandhiggaa Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku sugan deegaannada Hirshabeelle ayaa yiri.

“Waxaa naga go’an Dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo maalmihii danbe si xoog leh uga socday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyo Guud ahaan soomaaliya.

Waxaan Shacabka ugu baaqeynaa inay san qarsan cadowga Baneystay Daadinta Dhiigga Maatada aan waxba galabsan,

Shacabka soomalaiyed inay lashaqeeyaan Ciidamada furimaha kujira si cadowga taakta daran loo soo Gaba gabeeyo”.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in Al-Shabaab laga cirib tiri doono dalka Meel walba ay ka jogan Maalmaha soo socda.

Hasa yeeshee Dowlad kasta ayaa ballan qaada la dagaallanka Al-Shabaab ayagoona sheega in laga sifeynayo gobollada dalka oo dhan hasa ahaatee ma dhacdo arrintaasi.

Al-Shabaab ayaa haaysta gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan ayagoona fuliya weerarro toos ah gobollada iyo gudaha Caasdimadda Muqdisho weerarkii ugu dnabeeyay ee Ururka ay ku qaadeen Hotel Xyaat Muqdisho inkabadan 20 qof ay ku dhinteen ayadoona dhaawaca uu ka badan yahay 117 qof sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.