Woqooyi Bari oo Xannibay Gaadiid Raran oo Ka Yimid Dekedda Berbera

Woqooyi Bari oo Xannibay Gaadiid Raran oo Ka Yimid Dekedda Berbera

Laascaanood (Raxanreeb Online) Woqooyi Bari oo Xannibay Gaadiid Raran oo Ka Yimid Dekedda Berbera
Maamulka Waqooyi Bari ayaa xannibay gaadiid xamuul ah oo markii ugu horreysay muddo saddex sano ah ka soo baxay Dekedda Berbera ee Somaliland, kuwaas oo marayay jidka isku xira Burco iyo Laascaanood.

Gaadiidkan ayaa la sheegay inuu u rarnaa ganacsato ku sugan magaalada Laascaanood, waxaana jidkaasi uu xirnaa tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Goojacadde.

Ciidamada Waqooyi Bari, ayaa sidoo kale xabsiga dhigay sagaal darawal oo waday gaadiidka, iyadoo illaa hadda ciidamadu gacanta ku hayaan gaadiidkii xamuulka ahaa.

Xannibaadda gaadiidkan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dib u soo bilaabatay isu-socodka ganacsiga ee u dhexeeya Dekedda Berbera iyo Laascaanood, kaddib muddo dheer oo waddadaasi xirnayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.