Jigjiga (Raxanreeb) Waxaa sii adkaanaysa xaalada deegaannadda ku yaalla galbeedka gobolka Siti ee dagaalladu ay ku dhex marayaan dabley ka kala tirsan maamullada Soomaalida iyo Cafarta.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool Siti ayaa sheegay in Qoysaskii ugu badanaa ay isaga baxsasadeen deegaankooda , loona baahan yahay in la caawiyo.
Muranka dhulka ee u dhaxeeya Soomaalida iyo cafarta ayaa la sheegay in ay keentay dagaalka labada dhinac kaas oo sababay in dad badan ay ku nafwaayaan.
” waa dabacsanaan ku timid Dowlad Degaanka oo aan fulin qodobo badan oo ay ku heshiiyeen cafarta iyo Soomaalida , waa wax laga xumaado taasna ” sidaas waxa sheegay xildhiaan ka tirsan Barlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida.
Nuur Xasan Jaamac oo ka tirsan Barlamaanka Dowlad degaanka ayaa sheegay in la joogo waqtigii wax laga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta dadka Soomaalida ee ku nool degaanka Siti.
Dagaalka salka ku haya muranka dhulka ayaa soo laalaabtay kaas oo dhaxeeya Soomaalida iyo Cafarta inkastoo ay jireen isku badan oo la doonayay in xal looga gaaro hase ahaatee ma aysan noqon kuwa mira dhala.
Dhinaca kalena maamulka DDS ayaa shalay meel-mariyay degmoyin cusub oo uu yeelanayo gobolkaasi ay qul-qulatooyinku ka taagan yihiin.
Leave a Reply