Xamaas oo sii deeysay labo haweeney oo u dhashay Mareykanka

Xamaas oo sii deeysay labo haweeney oo u dhashay Mareykanka

Gaza (Raxanreeb) — Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sii daayay Gabar iyo Hooyadeed oo dhalashadoodu tahay Mareykanka kuwaas oo lagu kala magacaabo Judith & Natalie kana mid ahaa Maxaabiistii la qafaashay 7dii Oktoobar 2023.

Warbaahinta Caalamka ayaa aad u hadal heysa go’aanka Xamaas ay kusii daysay dadkii ugu horreeyay ee kamid ah Maxaabiis ay kasoo qabtay deegaannada ay xoogga ku joogto Yuhuudda ee Falastiin si ay ugu sii dayso Dadka ay qafaasheen ciidanka Israaiil.

War kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in Hooyadaan iyo Gabadheeda loosii daayay sabab la xiriirta ‘Gargaarka bani aadamnimada’ balse lama sii dhaafsiin xog intaas ka badan sida haddii ay jiraan shuruudo adag oo lala galay Mareykanka.

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden ayaa xaqiijiyay sii deynta Hablahaan is dhalay isaga oo sheegay in uu khadka Telefoonka uu kala hadlay Raanans kana wareystay xaaladdooda iyo sida ay hadda dareemayaan.

Xamaas ayaa dagaal xooggan oo ilaa hadda ay ka sheekeenayaan Yuhuudda, Mareykanka iyo Dalalka kale ee Xulufada la ah ku qaadday qaar kamid ah Saldhigyada Israaiil iyada oo halkaas ku dishay Askar badan, qaar kale ayay qafaalatay halka ay gubtay Gaadiidkii ay heysteen.

Yuhuudda oo weerarkaas uga falcelisay duqeymo xooggan waxa ay ku beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Baptist ee Gaza, Goobaha Waxbarashada ee Qaramada Midoobay hoostaga, Guryaha Rayidka iyo Xeryaha ay degen yihiin Barakacayaasha.

Taasi waxaa ka dhashay caro & dareen adag oo ay muujiyeen Madaxda Waddamada Carabta, kuwa Islaamka iyo qaar kale oo reer Galbeedka ah iyaga oo sheegay in Xasuuqa Israaiil ay geysatay aanay indhaha laga qabsan Karin.