Magaalada Muqdisho oo maalmo la xirayo !!

Magaalada Muqdisho oo maalmo la xirayo !!

Muqdisho ( Raxanreeb )  Ciidamo  badan ayaa la dhigay saacadihii la soo dhaafay waddooyin muhiim ah oo  ka mid ah caasimadda dalka si loo xaqiijiyo amniga.

Arintan waxa ay ka danbeysay shir lagu wada in madax ka socota wadamada gobolka ay ku yeelan doonaan shir looga hadlayay xaaladda gobolka iyo howlgalka ka socda meelo badan oo dalka ah.

Hadda waxaa bilowday qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku xanibayso isu- socodka dadka iyo Gadiidka waxaana la xiray qaar ka mid ah waddooyinka caasimadda.

Maanta waxaa soo gaaray – magaalada Muqdisho wafdi  ka socda Dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayay wasiirka difaaca dalkaas , kaas oo magaalada u yimid ka qyab galka shirka.

Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madax kale oo dalalka gobolka ka socda  si shir halkaan ugu yeeshaan , taas oo keentay in waddooyinka la xanibo.

Gabagabada shirkan ka dhacaya magaalada Muqdisho maalmaha Talaadada iyo Arbacada ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed  ku saabsan xaaladda gobolka iyo howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

Inta waddooyinka ay xiran yihiin  waxa ay saamayn ku yeelan doontaa qoysas badan oo nolol maalmeedkooda ku xirnaa wax ay – maalinkaas ay shaqaystaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.