Sarkaal Nabad sugid ah oo lagu dhaawac weerar ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Koox hubaysan ayaa  maanta weerar ku qaaday guriga Taliyaha Nabad sugidda degmada Dayniil ee magaalada Muqdisho , kuwaas oo weerar ka dib goobta isaga tagay.

Taliyaha la weeraray oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cali Waqooyi ayaa  deganaa xaafadda Saban Saban, halkaas oo ku dhow xerada Kulyadda Jaalle Siyaad.

Weerarkaas ayay goobjoogayaashu waxa ay sheegayaan inuu ahaa mid toos ah oo kooxaha hubaysan ay u adeegsadeen , bambooyin iyo rasaas waxaana dhaawac uu soo gaaray Taliyaha la weeraray.

Wararka ayaa sidoo  kale sheegaya  in dad la daris ahaa guriga la beegsaday ay soo gaareen dhaawacyo kale duwan ay kasoo gaareen qaraxyada, ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa bilaabay baaritaanno.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan lagu qaaday Taliyaha nabad sugidda degmada Dayniile ee  magaalada Muqdisho  mana jiro masuul dhacdadan wali faahfaahiyay.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weerarro nuucaan oo kale, kuwaas oo ay geystaan Al-shabaab, waxaana inta badan lagu weeraraa mas’uuliyiin  dowladda iyo Shakhsiyaad gaar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.