Xamse  Cabdi Barre ‘’ Lama aqbalayo dilalka ka dhacaya Muqdisho ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin falalka amni darro ee ka jira magaalada Muqdisho.

Hadalkan waxaa sheegay  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo intaas warkiisa ku daray in  xukuumaddu ay qaadi doonto – talaabo kasta oo laga hortagayo dilalka ka dhaca caasimadda.

Saraakiisha Dowladda ayuu faray in ay la yimaadaan qorshe amniga lagu sugayo laguna badbaadinayo rayidka.

Warka Ra’iisulwasaaraha ayaa imaanaya , iyadoo magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan – falal amni darro oo ay  u sii dheer tahay , dilalka loo gaysanayo rayidka.

Hay’adaha amniga Dowladda ayaa ku howlan hadda wax ka qabashada xaaladaha ku soo kordhay magaalada Muqdisho oo u muuqata mid fara ka sii baxayso hadii aan waxba laga qaban

Leave a Reply

Your email address will not be published.