Xamze Barre”Dowladdu ma awoodo iney waddooyin cusub dhisto”

Xamze Barre”Dowladdu ma awoodo iney waddooyin cusub dhisto”

Muqdisho (Raxanreeb) R/Wasaaraha Somalia Xamze Cabdi Barre ayaa xalay ka qeyb galay kulan uu soo qaban qaabiyay taliyaha boliiska Jeneraal Sulub Axmed Fariin iyo Wasaaradda amniga ayuu Xamze Cabdi Barre ka sheegay in xukuumadiisa Dan Qaran ey ka go’antahy tayeenta ciidanka boliiska.

Sidoo kale, Xamze ayaa sheegay inuu soo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay shirka wuxuuna tilmaamay in xukuumadiisa Dan Qaran ey dadaal dheeraad ah kubixineyso dhisida tayada ciidanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, R/Wasaare Xamze ayaa ciidank boliiska Soomaaliyeed ku aamanay isbedelka amni ey kasameeyeen caasimada Muqdisho hadana ciidanka ay u foojiganyihiin dhagaraha kooxda Al-Shabaab sida uu hadalka udhigay.

Ugudambeyn, Xamze Cabdi Barre ayaa fariin udiray ciidanka kusugan goobaha Roobabka ey saameeyeen iyo daadadka El-nino iney ka qeyb qaataan samatabixinta shacabka, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney qeyb kanoqdaan gurmadka walaalohooda uu Roobabka saameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.