Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawada ka saartay dhammaan barihii bulshada ee uu isticmaalayay waddaadka mayalka adag Xasan Daahir Aweys halkaas oo uu ku gudbin jiray fakaradaha uu ka qabo siyaasadaha ka socda dalka.
Waddaadkan ayaa culayska ugu badan la kulmay markii maalmo ka hor uu soo baxay warka ku saabsan in wiil uu dhalay iyo Hoggaamiye Al- Shabaab oo aad loo doon- doonayay Mareykanka uu ku dilay duqeyn cirka ah oo lagula beegsaday gobolka Jubadda Dhexe ee ay maamulaan kooxda Al- Shabaab.
Xasan Daahir ayaa weeraarkaas lagu dilay Wiilkiisa iyo Nadiir waxa uu uga hadlay si carro leh oo dhalisay in gabi ahaanba l hawada laga saaro barihii uu ku gudbin jiray fakaradaha iyo weerarada afka ah ee uu ku qaadi jiray shaqsiyaad ka tirsan Dowladda ama dhinacyada – kale.
Wadaadkan sannadaha badan ku jira xabsi guriga, ayaa dhawaan si dadka qaarkood ka carreesiisay uga hadlay dilkii Farxaan Qaroole, taas oo dhanka kale keentay in Dowladda Federaalka xanibto dhammaan waxyaabaha keeni kara inuu sii faafiyo waddaadkan fakaradaha lagu tilmaamay in ay yihiin kuwo la mid ah kuwa ay faafiyaan kooxda Al- Shabaab.
War soo – baxaya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya Waddaadkan culays xooggan ay saartay saacadihii la soo dhaafay isla markaana xitaa ay u diiday inuu sameeyo dhaqdhaaqyo iyo kulamada kale ee ka dhacayay xabsi guriga uu ku jiray sanadaha badan.
Waxaa la xaqiijinayaa in Dowladda Soomaaliya ay xakamaysay , oo ay joojisay dhammaan howlaha isaga oo guriga ku jira qaban jiray waddaadkan oo loo arkay inuu faafiyay fakarado xagjir ah oo ku keena kara mararka qaar nacayb.
Wadaadkaan da’da ah muddo badana ku taagan fikirkiisa oo aan marnaba ka tanasuulin ayaa lagu hayaa xabsi guri ay ilaaliyaan ciidamo ka tirsan dowladda, Soomaaliya waxaana gurigiisa kula nool xaaskiisa iyo qaar ka tirsan ilmihisa.
Ma ahan markii ugu horreysay ee uu xabsi galo waddaadkan hadalka iyo mayalka adag Hadda ka hor ayaa Dowladdii Maxamed Siyaad Barre xabsiga dhigtay. Maxkamadda Badbaadada ayaa isaga iyo rag kale waxay ku xukuntay dil toogasho ah. Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa markii dambe cafiyay.
W.Q Hanad Ali Guled
Leave a Reply