DEG-DEG : Iska hor imaad ka bilowday deegaan hoos yimaada Buuloburde.

Buuloburde (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaal uu ka bilowday deegaan hoos yimaad degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo u dhaxeya Ciidanka Dowladda iyo kooxda Al-shabaab ayaa ka Socoda Degaanka Jicibow oo 30 KM u jiro Degmada BuuloBarde ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Al- Shabaab ay ka dileen dhawr dagaalyahan isla markaana ay ku – jabeen dagaalka sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka Al- Shabaab ma jirto wa hadal ah oo ay ka soo saaree dagaalkan maanta ka dhacay deegaankan hoos yimaad – degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Deegaano badan oo gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgal la sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay kaga sifeeyso kooxda Al- Shabaab .

Waxaa kula jira howlgaladan Dowladda Soomaaliya koox deegaanka ah kuwaas oo bilow u ahaa howlgaladan sida wadajirka ah uga socda gobolka Hiiraan.
wixii ku soo kordha kala soco.
www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.