Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo isku fahmi waayay wax ka bedelka Dastuurka

Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo isku fahmi waayay wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho (Raxanreeb) Villa Soomaaliya waxaa maalmahan ka socday kulamo ay lahaayeen Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka oo uu ka mid yahay madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG ahayd Seekh Shariif Sheekh Axmed .

kulankan oo ahaa mid la isku soo noq noqday maalmo ayaa dood adag laga yeeshay sid ay tahay in xiligan wax loogu bedelo Dastuurka KMG ah , taas oo olole uu ugu jiro Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiinta ayaa ka diiday Xasan Sheekh Maxamuud in waqtigan lagu deg dego wax ka bedelka Dastuurka , taas bedelkeeda ay muhiim tahay in ka hor la raadiyo maamul goboleedka Puntland oo ka maqan miiska wada-hadalada.

Iyadoo aan wax go’aan ah laga gaarin wax ka bedelka Dastuurka ayaa wararku ay sheegayaan in kulanka uu soo idlaatay isla markaana waxaa lagu balamay in dib la isugu soo laabto.

Magaalada Muqdisho ayaa Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya waxa uu ak wadaa , kulamo ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka taas oo buuq badan uu ka dhashay .

Sida wararka ay sheegayaan xubnaha mucaaradka ayaa lagu wadaa in maalmahan soo socda ay la kulmaan Guddoomiyaha labada aqal ee Barlamaanka si ay uga hadlaan arrimaha ku saabsan wax ka bedelka Dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.