Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah, u sameeyay Safiirkii Mareykanka ee Larry André

Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah, u sameeyay Safiirkii Mareykanka ee Larry André

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry André Jr oo ay dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Larry, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gar-gaarka iyo arrimaha binu aadannimada, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Danjire Larry André oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- wada-qabsi.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa 30-kii March 2023-ka Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub kaas oo badali doona danjiraha hadda waqtigiisa dhammaaday Larry André, isaga oo soo magacaabay Richard Riley.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magcaabay ayaa haatan xil sare ka haya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada, isaga oo horay uga soo shaqeeyay dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen.

Danjiraha cusub ayaa badala safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre, oo 16-kii April 2021-ka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden u soo magacaabay Soomaaliya isaga oo badalay Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalayay 2021-ka illaa 2018-kii.