‘’Damaca nagama jiro Badda Soomaaliya ‘’ sidaas waxa yiri  Aby Ahmed

‘’Damaca nagama jiro Badda Soomaaliya ‘’ sidaas waxa yiri  Aby Ahmed

Adis Ababa (Raxanreeb ) Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Ahmed Ahmed ayaa sheegay in aysan muuqan damac ku aadan badda  Soomaaliya, hadalkaas oo ka sheegay  Barlamaanka dalkaas.

Ra’iisulwasaraha Itoobiya ayaa markale ku celiyay in muhiim ay  tahay in itoobiya ay hesho Badda ay isticmaasho , taas oo uu yiri waa in aan u marnaa wada – hadal iyo is afgarad.

“Ma garan karno xaaladdu siday noqon karto haddii arrinta badda ee ay Itoobiya u baahan tahay aan wadahadal lagu dhammayn” ayuu yidhi Abiy Ahmed.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya  ayaa  meesha ka saaray jiritaanka warka la xiriira in si xoog ah ay ku raadin doonaan sidi dalkiisa uu u heli lahaa Badda ay adeegsadaan maadama dalkaas uusan lahayn wax bada ah.

Waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marnaba diyaar u ahayn inay xabbad ku rido dalalka jaarka ah ee Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya, si ay u hesho bad, sida uu hadalka u dhigay.

Intaas  waxa  uu  hadalkiisa ku daray in xaq ay u leeyihiin in ay helaan badda sida xeerarka ganacsiga uu qaba sidaas darteeda waxa uu hoosta ka xariiqay in dadkiisa uu xooga saari doono dadaalkaas.

“Itoobiya xaq ayay u leedahay inay hesho bad, si waafaqsan sharciga ganacsiga,” ayuu yiri Abiy.

Hadal  uu jeediyay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya dhawaan ayaa shaki badan abuuray waxaan dad badan oo Soomaaliyeed ayaa sheegeen in damaca Itoobiya uu yahay sidii ay ku heli lahayd badda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.