Xasan Sheekh: Safarkayga Galmudug wuxuu Xambaarsanaa Nabadda iyo Midnimada

Xasan Sheekh: Safarkayga Galmudug wuxuu Xambaarsanaa Nabadda iyo Midnimada

Galmudug (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in farriinta ugu weyn ee safarkiisa Galmudug ay ahayd xoojinta nabadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo ka qeyb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa ayaa bulshada la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka laga sameeyay amniga, dowlad-dhiska, dhammeystirka Dastuurka iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka tooska ah.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan ajandeyaasha qaranka, isla markaana ay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, dowladnimada iyo horumarka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.