Muqdisho ( Raxanreeb Online) Gudoomiyaha golaha Shacabka Faderaalka Sheikh Aaden Madoobe ayaa xubnimadii xildhibaanimo ka xayuubiyey Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ahaa xildhibaan katirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, si lamid ah sida Golaha wasiirada shaqo ka ceyrinta loogu sameeyo.
Qoraal kasoo baxay xafiiska xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadeedna looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop201.
“Warqad kasoo baxday xafiiska habdhowraha golaha shacabka oo ku saabsaneyd liiska xaadirinta xildhibaanada golaha shacabka, isla markaana ogaaday in xubinta matasha kursiga HOP201, uusan soo xaadirin in ka badan 2 kalfadhi oo xiriir ah guud ahaan 141 fadhi ee u qabsoomay golaha, sidaa darteed baahida golohu u qabo xubinta ka bannaanatay goloha shacabka oo wajibaadkiisa dastuurig u guto si hufan wuu qaaday talaabo ah in la soo buuxiyo kursiga HOP201” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha golaha shacabka
Kursigan HOP 201 waxaa horay ugu fadhiyey Cabdiraxmaan Bayle oo ahaa wasiirka maaliyada Faderaalka, balse hadda kamid ah Lataliyayaasha madaxweynaha Somaliland.
Leave a Reply