Xildhibaanada Lesotho oo dalbanaya dhul ballaaran oo Koonfur Afrika ka tirsan

Lesotho (Raxanreeb) — Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka Lesotho ayaa ka doodaya mooshin ku saabsan soo celinta dhul aad u ballaaran oo ay kasoo ceshanayaan dalka ay deriska yihiin ee Koonfur Afrika.

Taariikh ahaan reer Basotho waxay ku noolaayeen deegaanno hadda ka tirsan gobollo Koonfur Afrika oo ay ku jiraan Eastern Cape, Northern Cape iyo KwaZulu-Natal.

Laakin qaar badan ayeey qasab ku noqotay inay ka guuraan colaadda darteed. Mooshinkan ayaa salka ku haya qaraar ay Qaramada Midoobay soo saartay sannadkii 1962-kii kaas oo lagu aqoonsaday xaqa aayo ka tashiga iyo madaxbannaanida dhulka Basuto iyada oo Lesotho magacaas Basuto loogu yeeri jiray ka hor xorriyaddii 1966.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa ku tilmaantay mooshinkan mid siyaasadeed oo gudaha ah oo aan lahayn wax fursad ah oo uu ku guuleetso. Tani maaha markii ugu horreysay ee xudduudaha Lesotho ee hadda jira ay noqdaan mawduuc laga doodo.

Sannadkii 2018 koox rayid ah oo loo yaqaan dhaqdhaqaaqa Basotho ee xorta ah ayaa warqad u qoray safaaradda Lesotho ee UK si ay uga codsadaan in boqoraddii Elizabeth ay meesha ka saarto xuduudda hadda jirta oo asal ahaan ka dhigaysa Lesotho gobol 10-aad ee Koonfur Afrika ah.

Waxay sheegeen in tani ay xaqiijin doonto dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka Basotho ee Koonfur Afrika iyo faa’iidooyinka ay ku raaxaystaan ​​muwaadiniinta Koonfur Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.