Abdalle ‘’Muqdisho waxaan ka dhoofay anigoo la igu dulmiyay awoodda Dowladnimada‘’

Abdalle ‘’Muqdisho waxaan ka dhoofay anigoo la igu dulmiyay awoodda Dowladnimada‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa markii saddexaad la iga hor istaagay inaan ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.  Agaasimaha Waaxda Socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo aan telefoonka kula hadlay ayaa ii sheegay in amar xayiraad safar uu iga yaallo garoonka.  Waxaan garoonka ku sugnaa 10am illaa 3pm iyo dheeraad. 

Markii aan garoonka soo galay, waxaan dareemayey xiisad, waxaana dhacday in rag boolis ah iyo dharcadka NISA ay isku dayeen inay iga hor istaagaan gelista terminalka. Xogta aan markii danbe helnay ayaa sheegeysa in amarka xayiraadda safarkayga uu bixiyay agaasimaha NISA Mahad Salaad.  11kii Oktoobar 2022 iyo 18kii Oktoobar 2022 ayaa sidaan oo kale garoonka la iga celiyay.

Muddo afar toddobaad ku dhow ayaa xannuunsanayey, iska daa inaan daawo helo e waxaa xitaa la iga hor istaagay in dhakhtar iigu yimaado goobihii kala duwanaa ee afduubka la iigu hayey. In qof ehelkayga I soo booqdo iyo inaan xitaa qorraxda helo waxay ahayd lacag oo waa la iga iibinayey cadeynteedana waan hayaa.  Waxaa  waxkasta iiga xannuun badan cuqdada iyo murugada lagu beeray carruurtayda oo illaa hadda is weydiinaya sababta ay u arki waayeen aabahood muddo 6 bilood ah.

Intaas oo xadgudub ah waxay igu qabsadeen magaalada Muqdisho oo ah tii aan ku barbaaray, wax ku bartay, nolosheyda badankeedana ku soo qaatay, labadeyda waalidna ku aasan yihiin. Waxaan waayey caddaalad. Maxkamaddii aan xaqsoorka u doontay labo Saalax (Saalax Dheere iyo Saalax Dabaan) ayaa mindiyo mariid leh iigu afeystay. Waxaa la ii beegsaday qof ahaan iyo qoys ahaan, welina ma dhammaan. Sharcigii iyo dowladnimadii waxay noqdeen sida ay rabaan kooxda tirada yar ee mulkiilayaasha isku sheegtay. Xadgudub, takrifal iyo ciqaab nooc kasta ayaa la i marsiiyay Cabdiraxmaan Cadaala iyo Abshir Bukhaari dartood. Dulmiga ayaa ka awood batay caddaaladda.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan inta samaha jecel oo ka dhiidhisay gardarrada iyo dulmiga. Si gaar ah, waxaan bogaadinayaa mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa aqal, bahdeyda saxaafadda, bahda xuquuqda aadanaha, diblomaasiyiinta caalamiga, qareennada, siyaasiyiinta madaxa-bannaan iyo shacabweynaha Soomaaliyeed (wiilal iyo gabdho) oo I garab istaagay.

Hadda Muqdisho waan ka safray, anigoo qandho kulul ay I heyso, anigoo caddaalad ku dhex waayey, anigoo Soomaalinnimadeydii shaki la geliyay, anigoo 166 maalin ku jiray afduub, lana xaqiray xuquuqdayda muwaadinnimo iyo anigoo meelkasta ku badbaadi waayey. Xaq ninkiisii daba joogo ma lumi doono insha Allaah!

Illaahay ayaan talada saartay, isaga ayaana igu FILAN!

Leave a Reply

Your email address will not be published.