XOG -Amar uu soo saaray Cali Jeyte oo maanta ka dhaqan galay Baladweyne

XOG -Amar uu soo saaray Cali Jeyte oo maanta ka dhaqan galay Baladweyne

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa ka sii daraysa xiisada ka  taagaan  Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledwayne , halkaas oo  Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jayte uu  diiday in diyaaradaha ay ka degaan.

Maanta oo Axad ah waxaa gabi ahaanba xiran garoonka  Ugaas Khaliif , halkaas ka dib amar  ka soo baxay  Cali  Jaye Cusmaan oo diiday gabi ahaanba  in duulimaadka uu ka soo dego magaalada Beledwayne.

Cali Jayte ayaa amray in muddo 4 maalin ah oo maanta ku beegan ilaa 28 bisha ay joojiyeem diyaaradihii rakaabka ee kasoo dagayey garoonkaaasi.

Talaabadan uu qaaday Cali  Jayte Cusmaan  ayaa   muujinaysa sida uu cirka  isku sii shareerayo ,  khilaafka ka dhax jira  Beledwayne iyo Jowhar kaas oo ka dhashay xil ka qaadista Cali Jayte .

Keliya waxaa la fasaxay  muddada afarta maalin ah diyaaradaha ATMIS, kuwa samafalka ee QM iyo kuwa sida Qaadka.

Amarkan ayaa saameyn ku yeeshay shacab fara badan oo maanta u kala safri lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne, kuwaas oo ka baaqday safarkooda, maadaama la joojiyay dhamaan diyaaradaha.

Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya ineysan jirin wax duulimaad shacab ah oo saaka ka soo dagay garoonka Ugaas Khaliif, taasoo ka dhigan inuu dhaqan galay amarka Cali Jeyte Cismaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.