Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta qaabilay xildhibaanada Beesha Direed, oo dood xoogan ka qaba magacaabida RW kuxigeen 2-aad, waxaana Xassan Sh uu sheegay in ay wada hadalada sii wadi doonan, horayna uu balankan siyaasadeed u galay.
Madaxweynaha ayaa dooda xildhibaanada ee magacaabida RW kuxigeen 2-aad uga jawaabay, in aysan hadda jirin wax dhaw, laakiin ay xildhibaanadu u fahmeen isdabaalin siyaasadeed, taas oo quus muujisay.
Saami qeybsiga ayay kahadleen xildhibaanada, gaar ahaana shaqaalaha rayidka, Safiirada iyo Kiiska Xildhibaanad Fowsiya ee AU oo ay sheegeen in aysan xaquuqdoodii helin.
Si kastaba Xildhibaannada Beesha Direed ayaa Maalmihii la soo dhaafay Gadood ka ahaa war soo baxay oo sheegayay in Nin kamid ah Xildhibaannada laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed loo Magacaabi rabo xilka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka labaad ee Soomaaliya
All reactions:
5757
Leave a Reply