XOG : Yaa  Baajiyay kulan lagula xisaabtami lahaa Wasiirka Duulista ?

XOG : Yaa  Baajiyay kulan lagula xisaabtami lahaa Wasiirka Duulista ?

Muqdisho (Raxanreeb )- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Barlamaanka dib u dhigay kulan maalinta beri oo Axad ah uu kula xisaabtami lahaa wasiirka duulista hawada Soomaaliya Xil Fardowsa Maxamed Cigaal.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay loo  diray  fariin  loogu sheegayay inuu jiro kulan su’aallo lagu waydiinayo wasiir Fardows hase ahaatee waxaa  soo baxaya inuu baaqday kulanka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in  Wasiirka duulista hawada Sooaaliya in wax laga waydiiyo waxa kalifay in muwaadiniinta laga qaado lacag dhan sagaal doolar marka ay ka dhoofayaan Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Arintan lacagta ayaa ka dhalatay fadeexad maadama ay fulinayso shirkad gaar loo leeyahay .

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa si aad ah  arintan xooga u saarayay in la xaliyo taas oo la leeyahay waxaa suurtagal ah in  kulanka Barlamaanka xafiiska Ra’iisulwasaraaha laga baajiyay.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaana la sheegay in dedaal badan galiyay sidii loo baajin lahaa in wasiirka la horgeeyo golaha shacabka ayna weediiyaan su’aalo fashil keeni kara oo la xariira khalalaasihii maalmo kahor ka dhacay garoonka.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa in shirkad gaar ah siisay in ay aruuriso xogta rakaabka garoonka ka baxaya iyo kuwa kasoo degaya, iyadoona shirkadaasi qofkiiba ka qaadeyso lacag dhan 9-dollar , taas oo cabasho ka keeneen rakaabka iyo shirkadaha diyaaraha

Leave a Reply

Your email address will not be published.