Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare ayaa wajahaysa cadaadis xooggan oo kaga imaanaya Golaha shacabka Soomaaliya sabab la xiriirta waxqabad la’aan muddo sanad ah .
Ra’iisulwasaaraha ayaa culays kaga yimid Madaxtooyadda Soomaaliya la sheegay in loogu qaaday xubno ka mid ah Golihiisa Wasiiradda , taas oo la sheegay in ay ahayd fariin uu dirayay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.
Xogo la helayo ayaa sheegay in xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare sidoo kale ay qorshaysanayso in meesha ay ka saarto Wasiirada qaar si ay isaga yarayso culayska kaga imaanaya dhanka Madaxtooyada Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda waxa la hayaa in xilka laga qaadi doono xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Jaamac oo lagu bedelayo Maxamed Sh Xaamud.
Sidoo kale Wasiieka Dastuurka ayaa la sheegayaa in isagana lagu bedeli doono
Cabdiraxman Ceynte oo horena Wasiir ugu ahaa Dowladii Nabad iyo Nolol halka Raaxa janaqoow oo lagu bedelayo Liibaan Cali Mahdi
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa Axmed Fiqi ayaa isagana la sheegayaa in lagu bedelayo Cabdiraxmaan Odowaa
Wasiiru dowladaha Madaxtooyada Abshir Bukhaari ayaa ka mid ah xubnaha isha lagu hayo kaas oo la sheegay in laga dhigi doono oo safiir halka Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala isagana xilka laga qaadi doono
Leave a Reply