Xogta dagaalka gacmaha leysula tagay  Gobolka Axmaarada kahoycaya.

Xogta dagaalka gacmaha leysula tagay  Gobolka Axmaarada kahoycaya.

Adis Ababa (Raxanreeb )- Taliyahii hogaminayey ciidamada Abiy ee Ethiopia ee aagga Gojam Addisu Mohammed ayaa la dilay oo ay kataqaluseen ciidamada Fano Qaybta 31aad

taliyahan. Oo hogaaminayay duulanka cusub ee Abiy ee gobolka Axmaarada ayaa waxuu ka talinayay Gojjam.

Duleedka Magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Gojam: Dagaal xoogan ayaa ka socda Duleedka Magaalada Bahir Dar.

Magaalada Mertu-Le-Mariam, Western Wello: Waxaa ka socda dagaal xooggan oo ay kula jiraan ciidamada Fano ( guutada Ephraim Atnafu) & Oromo ENDF.

Gende Weyn, Bartamaha Bari Gojam: Dagaal xoogan ayaa ka socda, ciidamada Fano ( guutada Samuel Aweke) waxay gacanta ku dhigeen 83 askari oo ka tirsan ciidamada ENDF ee Oromada.

Magaalada Dangela ee Galbeedka Gojam: Ciidamada Fano ayaa isku gadaamay xerada ENDF ee Oromada.

 Amora Gedel,Guna,Koonfurta Gonder:Dagaal xoogan ayaa ka socda xaafado dhaw iyo dagaal gacmaha la isula tagay ciidamada Fano iyo ENDF Oromo.

 Fogeta, Galbeedka Gojam: Ciidamada Fano ayaa isku gadaamay guutada ENDF ee Oromada iyo taangigooda PMPA.

Machakel, Koonfur-galbeed Gojam: Ciidamada Fano ayaa gacanta ku haya qayb ka mid ah magaalada, iyadoo dagaal xooggan uu ka socdo duleedka magaalada.

Mota, Gojam: Ciidamada Fano ayaa gacanta ku haya magaalada kadib markii ay khasaare gaarsiiyeen askarta ENDF ee Oromada.

Kuarit, Central Gojam: Ciidamada Fano ayaa wali maamula magaalada kadib markii ay jabiyeen ENDF Oromada.  Rasaas goos goos ah ayaa dhacaysa.

Gojam: Oromo ENDF Colonel Shegaw Hunegnaw ayaa ku biiray ciidamada Fano.

Magaalada Wereta ee Koonfurta Gonder: Ciidamada Fano ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday askarta ENDF ee Oromada & Maleeshiyada Axmaarada, waxayna askar badan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

 Waqooyiga Shewa: Ciidamada Fano (Guutada Anbesaw) ayaa gacanta ku dhigay 12 Jawaasiis oo Amxaaro ah oo u shaqaynayay ENDF Oromo.

 Magaalada Shinga ee Galbeedka Gonder: Oromo ENDF ayaa ku daabuleysa argagixisada Qimant (QLF) si ay ula dagaalamaan ciidamada Fano.

 Abiy ayaa ciidamo dheeraad ah u diraya Gojam iyadoo uu sii xoogaysanayo dagaalka ka socda gobolka.

Bashir Hashi Yussuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.